SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LIBIYA: 13.200-QOFOOD OO KU DHIMATAY.

(SAWIRKA)-URURKA BISHA CAS EE LIBIYA OO URURINAYO MEYDADKA.

(TRIPOLI)-Dalka Libiya oo ka mid ah wadamada uu saameysay kacdoonkii ka dhacay wadamo badan oo Carab ah ayaa weli la daalaa dhacaayso dhibaatooyinkii ka soo gaaray kacdoonkaasi,Libiya weli kama jirto dawladd loo wada dhan oo dalka oo dhan ka hawlgasha waxaane qeybo dalka Libiya ka mida haysto maleeshiyaad taageersan Gen.Khalifa Xaftar oo gacan saar weyn la leh dawladda Imaaraatka Carabta,waxaane weli Libiya ka jirto kala qeybsanaan u dhexeyso siyaasiyiinta dalka Libiya. Si kastaba ha ahaatee,dalka Libiya waxaa ku dhuftay Dabayl iyo Roob xoogan kuwaso sababay inuu soo dumo biya xireenka dalka Libiya waxaane dumida biya xireenka ka dhashay dhimasho iyo burur hantiyeed oo aad u fara badan,dhibaatada ugu weyn ayaa gaartay Derna kuna taalo Waqooyi-Bari dalka Libiya halkaas ayaa waxaa ku dhimatay 13,200-qofood weline waxaa la la’ayahay qaar kale oo aan la aqoon tiradooda.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.