LA TALIYIHII BASHAAR AL-ASAD OO GEERIYOOTAY.
(SAWIRKA)-LUNA AL-SHIBL.
(SYRIA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in La taliyaha dhinaca Warbaahinta ee Madaxweyanaha Dalka Suriya Bashaar AL-Asad Luna AL-shibl ey geeriyootay maanta oo Jimca ah ka dib markii ey ku dhaawacantay shil baabuur ey gashay seddex maalmood ka hor,sidaas waxaa shaaciyey Xafiilks Madaxweyne Bashaar AL-Asad. “Madaxtooyadda dalka Suriya waxa ey u baroor diiqeysaa geeridda ku timid Luna AL-shible oo ahayd la taliyaha Warbaahinta Bashaar Al-Asad oo maanta geeriyootay ka dib markii ey gashay shil baabuur oo halis ah”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Bashaar AL-Asad. “Luna ALshibl waxay sannadihii u dambeeyey ka soo noqotay Agaasime ka tirsan Xafiiska Siyaasadda iyo Warbaahinta ee Madaxtooyadda,ka dibne la taliye gaar ah ee Madaxtooyadda” ayaa la raciyey bayaanka. Warbaahinta Dawladda Suriya ayaa sheegtay Talaadadii in Luna AL-shibl uu dhiig uga furmay Maskaxda ka dib shilkii ey gashay,waxa uuna u baahday qaliin deg deg ah. Luna AL-Shible oo 48-jir ah ayaa caan ku noqotay iney ka tagtay shaqadii Saxaafadeed ey caanka ka ahayd ee Tv-ga AL-Jazeera ee fadhigiisu yahay dalka Qadar si ey noqoto la taliyaha dhanka Warbaahinta ee MW-Bashaa AL-Asad,xilligaas oo uu talisku si naxariis darri ah u garaacay dibad baxayaal nabadeed sannadkii 211-kii taaso sababtay dagaalka sokeeye ee dalka Suriya.
ISHA/NA.