SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KUWAIT OO DOORANAYSA BAARLAMAAN CUSUB.

BAARLAMAANKA KUWAIT.

KUWAIT)-Dalka Kuwait ayaa maanta oo Arbaca ah(3/5/23)-ka waxaa looga dhawaqay in doorashada baarlamaanka Kuwait ey dhici doonto 6/6/23-ka,maalintii Isniinta ayey ahayd markii dhaxal sugaha dalka Kuwait Sheekh Mashcal Axmed Al-sabaax uu dikreeto ku kala diray baarlamaankii jiray ey u badnaa mucaaradka Kuwait,barlamaanka kuwait iyo waxaa isqabtay golaha Wasiirada Kuwait. Taariikhda la qabanaayo doorashada baarlamaanka dalka Kuwait ayaa waxaa lagu ansixiyey shir gaara oo ey yeesheen Golaha Wasirradda dalka Kuwait ayagoo tixraacaayo go’aankii dhaxal sugaha dalka Kuwait Sheekh Mashcal Axmed Al-sabaax,sidaas waxaa qortay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Kuwait ee KUNA. Bishii Maarso-2023-ka ayey ahayd markii Maxkamada dastuuriga ee dalka Kuwait ey waxba kama jiraan ka dhigtay doorashadii baarlamaanka ee dhacday bishii Sebtembar-2022-kii waxayna Maxkamada amartay inuu sii shaqeeyo baarlamaankii hore. Mucaaradka Kuwait ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday Sebt-2023-ka waxa uuna mucaaradku ka helay 28-kursi kontanka kursi uu ka kooban yahay baarlamaanka dalka Kuwait,Maxkamada ayaa sharciyeysay in la baabi’iyey doorashadii dhacday sebtem-2023-ka waxaane ansixiyey Golaha Wasiiradda waxaane la amray inuu dib ugu soo laabto shaqadiisa baarlamaankii hore taaso laga dhigay mid waajib ah. Baarlamaankii la doortay Sebt-2023-ka ayaa lagu kala diray dikireeto uu soo saaray dhaxal sugaha Kuwait ka dib markii uu muran dheer uu dhexmara Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka.

ISHA WARKA AA.