KORNEEL RUUSH AH OO LAGU DILAY DALKA…
CIIDAMADDA RUUSHKA EE KU SUGAN DALKA SURIYA.
(SYRIA)-Sida uu sheegay bog warfaafineed ey iska leeyihiin ciidamadda dawladda Ruushka kuna sugan dalka Suriya maanta oo Isniin ah(29/5/23)-ka waxaa la dilay Korneel Ruush ah maalmo ka hor ka dib markii uu ku dhawaacmay weerar ey fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish gudaha magaaladda Al-sukhna ee gobolka Xumsi ee dhaca bariga dalka Suriya. Bogga ayaa sheegay in kooxda Daacish ey weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamadda Ruushka waqtigaso uu la socday Korneelka la sheegay inuu u geeriyooday dhawaacii soo garay,Korneelka ayaa magaciisa lagu sheegay OLIIG BIITSHITIISHTI.
ISHA WARKA ARAB.