SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KOOXIHII RIDAY BASHAAR AYAA BILAABAY WADA…

(SAWIRKA)-AXMED AL-SHARA’AC.

(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ayaa sheegaayo in Hogaamiyaha Maamulka Cusub ee Suriya Axmed AL-Shara’ac ayaa Isniintii la kulmay wafdi ka socday xoogaga Dimuqaraadiga ah ee Suriya(SDF),Garabka Mileteri ee Maamulka Kurdiyiinta,sida uu sarkaal aqoon u leh kulanka u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press Talaadada maanta ah. Hogaamiye Axmed AL-Shara’ac ayaa xusay in wada hadaladda ey ahaayeen kuwa aad u wanaagsan. Wada hadaladaan ayaa ah kuwii ugu horeeyey uu Hogaamiye AL-shara’ac la yeesho Hogaamiyeyaasha Kurdiyiinta tan iyo markii Xukunka laga tuuray Madaxweyne Bashaar AL-Asad horaantii bishaan Diseembar-2024-ka, wada hadaladaan ayaa ku soo beegmaayo xilli ey dagaalo ku dhexmarayaan Kurdiyiinta iyo kooxa hubeysan ey taageerto dawladda Turkiga Waqooyiga dalka Suriya. Sarkaalka ayaa sheegay isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin in shirkaan uu ahaa kulan hordhac ah oo dhidibadda loogu aasaayo wada hadaladda mustaqbaka,waxa uuna intaas raaciyey in la sii wado kulamadda si loo gaaro isfaham mustaqbalka. Iyadoo ey barbar socoto Hayadda Taxriir AL_shaam iyo kooxaha daacadda u ah ayaa 27-kii bishii Nofembar-2024-ka weerar lama filaan ah ka fuliyey magaaladda ey ku xoogan yihiin ee Waqooyi-Galbeed Suriya taaso ugu dambeyntii u suurtagelisay iney la wareegto maamulka Xukuumadda Dimishiq,kooxaha daacada u ah Ankara ayaa bilaabay weeraro ka dhan ah Xukuumadda Dimishiq. Ciidamadda Kurdiyiinta waxa ey qabsadeen aaga Taal Rafcat iyo magaaladda Membigj. Xoogaga Kurdiyiinta ee Dimuqaraadiga Suriya ayaa weli gacanta ku hayo degaano badan oo ka tirsan Waqooyi-Bari Suriya iyo qeyb ka mid ah Gobolka Deer AL-Zuur ee bariga Suriya,gaar ahaan daanta bari ee wabiga Furaat. Degaanadaan ayaa waxaa ka jira ismaamul ey aas-aaseen Kurdiyiinta bilawgii dagaalada ka socdo dalka Suriya ka dib markii ciidamad Dawladda ey isaga bexeen qeybo badan oo ka mid ah.

ISHA-AA.