SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KOOXAHA ISKU HAAYO SUDAN OO LOOGU BAAQAY…

(SAWIRKA)-SHIR LOOGA HADLAAYO SUDAN.

(ADDIS ABABA)-Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa Jimcaha maanta ah soo jeediyay Xabad Joojin Bini'aadantinimo oo laga sameeyo dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Sudan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ee fooda inagu soo haysa, taasoo bilaabanaysa horaanta Maaarso. Talo soo jeedintan ayaa timid ka dib mar uu khudbad ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Imaaraadka Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan oo ka hadlayay shir heer sare ah oo looga hadlayay Arrimaha Suudaan, kaasoo lagu qabtay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Mas’uulkan ka tirsan Imaaraatka ayaa sheegay in shirkan ey iska kaashadeen Itoobiya, Midowga Afrika (AU), iyo Urur Goboleedka IGAD, si wax looga qabto xaaladda Suudaan ka hor inta eysan dhallan bisha Ramadaan. "Waxaan ku boorinaynaa dhinacyada dagaallamaya inay ixtiraamaan muddadan xurmada leh iyagoo fulinaya xabbad-joojin bini'aadannimo si loo xaqiijiyo badbaadada, deg degga ah, iyo helitaanka Gargaarka Bini'aadantinimo ee aan xannibnayn ee la gaarsiinayo kuwa aadka u baahan, gaar ahaan carruurta, Haweenka waayeelka." ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Shirka waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay in la siinayo “$200 Milyan oo dheeri ah oo Gargaar Bini’aadantinimo ah oo la siinayo Suudaan, taasoo ka dhigaysa wadarta tabarucaadka $600.4 Milyan tan iyo markii uu colaadda ey ka dillaacday dalka Sudan Abriil 2023. Dhinacyada isku haya Suudaan ayaan midkoodna ilaa hadda ka hadlin soo jeedinta Imaaraatka. Ciidanka Suudaan iyo kooxda ey iska soo horjeedaan ee Rapid Support Forces (RSF) ayaa dagaal socday tan iyo bartamihii bishii April ee sanadkii 2023, kaasoo ey ku dhinteen in ka badan 20,000 oo qof, ayna ku barakaceen 14 Milyan, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo Maamulada Maxalliga ah. Cilmi baaris laga sameeyay Jaamacadaha Mareykanka, waxay ku qiyaastay tirada dhimashada ku dhawaad ​​130,000. Baaqyada caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ku aaddan joojinta dagaalka ayaa isa soo taraya, iyagoo ka digaya masiibo bini'aadantinimo oo soo fool leh iyadoo Malaayiin qof ay wajahayaan macaluul iyo dhimasho cunto yari darteed. Colaadda dalka Sudan ayaa ku fiday 13 ka mid ah 18-ka gobol ee uu ka kooban yahay dalka Suudaan.

ISHA-AA.