SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KOOX CARBEED OO KA HADASHAY QARAMADA MIDOOBE.

(SAWIRKA)-KOOX CARBEED.

(NEW YORK)-Xarunta Qaramada Midoobe ee Magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ka dhacay shir gaar ah oo ey yeesheen koox Carbeed kana tirsan Golaha Amaanka Qaramada Midoobe,kooxdaan Carbeed ayaa ka hadashay talana ka soo jeedishay dagaalka Xarakada Xamaas iyo Isra’iil ee hadda ka socdo Marinka Gaza muddo laba todobaad iyo ka badan,colaadan ayaa sababtay iney ku naf waayaan ilaa 5-kun qofood oo reer Falastiin ah una badan caruur iyo dumar. Wasiirka Arrimaha Dibadda Urdun Eyman Safadi ayaa sheegay in dagaalkan leeyihiin khatartiisa isuna bedli karo mid u dhexeeyo Reer Galbeedka iyo wadamada Carabta iyo Muslimiinta,haddi tani dhacdo waxa uu adduunka geli doonaa xaalad hubanti la’aan amni ah.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.