SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KOONFUR AFRIKA IYO ISRA’IIL OO KALA TEGAY.

(SAWIRKA)-BANAABAX LAGU TAAGEERAAYO XAMAAS.

(TEL AVIV)-Dagaalka ey Isra’iil kula jirto Xarakada Xamaas ayaa waxaa ka dhashay in Isra’iil wajahdo xaalad adag oo diblomaasiyadeed waxaane xiriirkii siyaasadeed u jaray Isra’iil ilaa toban dawladood una badan dalal ka tirsan wadamadda Laatiin Ameerika, hadaba dalka Isra’iil ayaa maanta oo isniin ah waxa uu u yeeray Safiirkoodii u fadhiyey dalka Koonfur Afrika, Safiirka Isra’iil ee dalka Koonfur Africa Eliav Belotserskosky ayaa looga yeeray caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv si loola sameeyo wadatashi la xiriiro hadalkii ka soo yeeray masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Koonfur Afrika. Madax sare oo ka tirsan Xisbiga haayo talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa si cad waxa ey u taageereen Xarakada Xamaas ee dagaalka kula jirto ciidamadda Isra’iil,waxa eyna masuuliyiinta Koonfur Afrika dalbadeen in Maxkamada Dembiyada(ICC) iney sameeyso baaritaan la xiriira dagaalka Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.