SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KHUABRO U DHALATAY IRAAN OO LAGU DHAAWACAY YEMAN.

(SAWIRKA)-WEERARADII LAGU QAADAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ey weerar dhinac cirka ku qaadeen Gobolka Xeebta ku yaal ee Xudeyda ee dalka Yeman sida ey sheegtay kooxda Xuutiyiinta. Telefishanka AL-Masirah oo ey Xuutiyiintu maamulaan ayaa sheegay in seddex weerar lala beegsaday degaanka AL-Carji oo ku yaalo Waqooyi-galbeed Xudeyda. Weerarada afar ah ayaa sidoo kale laga sheegay degmada Raas Ciise ee isla Gobolka Xudeyda,ma jiro wax hadal ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska. Weeraradaan dhacay habeenimada isniinta ayaa la soo sheegay iney ku dhinteen 11-qofood waxaane ku dhaawacmay 14-qofood oo kale kuwaaso sida la sheegay afar ka mid ah ey yihiin Khubaro u dhalatay dalka Iraan oo Xuutiyiinta ka kaalmeynaayey dhinaca isticmaalka Gentaaladda lidka Maraakiibta iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin. Weerarada cirka ey wadajir u qaadeen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay iney dhamaayeen ilaa sagaal weerar kana kala dhacay degaanka AL-Caraj oo ka tirsan degmada Baajil oo la weeraray ilaa seddex jeer, degaanka Raas Ciisa ee degmada Saliif oo la weeraray ilaa afar jeer halka degaanka Dhaa’if ee degmada AL-direyhami ayadana la weeraray laba jeer. Goobaha la weeraray ayaa waxaa ka mid ah goobo hubka lagu keydiyo,Raadaaro iyo qalabka guur guuro ee laga rido Gentaalada Balaastikada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka ah. kooxda Xuutiyiinta ayaa bartilmaameed ka dhigatay Maraakiibta maraysa Badda Cas ayagoo u hiilinaayo shacabka Gaza.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.