‘KAADIDEYDA AYAAN CABAY’WAXA YIRI…
CADNAAN MAXAMED.
(ISTANBUL)-Dalka Turiga iyo qeybo ka mida dalka Suriya waxaa Isniinti inaga tagtay ku dhuftay Dhulgariir aad u xoog badan laguna qiyaasay(7.8-Magnitude),dhulgariirkaan oo saameyey intiisa badan dhulka Turkiga ayaa waxaa la soo badbaadiyey dad fara badan oo ku hoos jiray dhismayaal ku soo dumay,magaaladda Gazi Cantaab waxa ey ka mid tahay magaloyinka uu sameyey dhulgariirka waxaane laga soo badbaadiyey dad isugu jiro waayeel,caruur iyo dhallinyaraba. Cadnaan Maxamed Koorkut waxa uu ka mid yahay dadkii laga soo badbaadiyey dhulgarirki ku dhuftay Gazi Cantaab waxa uuna burburka dhismaha ku hoos jiray 94-saacadood waxa uuna Maxamed sheegay inuu cabaayey KAADIDIISA mudadii uu halkaas ku hoos jiray…yaab.
ISHA WARKA ARABIC.