SENATARADDA MARAYKANKA OO IS HORTAAGAY IN…
Dalalka Imaaraatka Carabta iyo Boqortooyadda Sacuudiga ayaa ah labada dal ee si aadka ah ugu dhaw maamulka madaxweyne Trump afartii sano ee la soo dhaafay marka loo fiiriyo lixda dal ee la isku yiraahdo wadamadda gacanka,waxaane afartii sano uu Trump ahaay madaxweynaha dalka Maraykanka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta waxa eey ahaayeen kuwa uu u meel maro dalabaadkooda la xiriira dhinaca horumarinta teknooloojiyadda ciidamadda waxaane taas ka dhalatay in dalka Imaaraatka Carabta uu Maraykanka ka dalbado diyaaradaha dagaalka oo loo yaqaano F-35 Jet iyo diyaaradaha aanuu duuliyaha wedin ee uu sameeyo Maraykanka ee loo yaqaano MQ-9 Reaper, arrintaan ayaa in muddo ah soo jiitamaysay go’aan ka gaarideeda.
Sida uu qoray wargayaska Guardian Senatarada Maraykanka oo dadaal badan geliyey sidii loo joojin lahaay in Madaxweyne Trump ka iibiyo dalka Imaaraatka Carabta diyaaradaha dagaalka ee casriga ee F-35 Jet iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano MQ-9 Reaper, codayntii la sameeyey ayaa u dhacday: Marka hore waxaa cod loo qaaday diyaadaha dagaalka ee F-35 waxaa diiday 49-Senatar, waxaane ogolaatay 47-Senatar, waxaa dhacday codeeyn kale oo loo sameeyey diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee MQ-9 Reaper codayntii ayaana u dhacday sidaan: 50-Senatar waa eey diideen, 46-Senatar waa eey ogolaadeen, sidaas darteed Imaaraatka Carabta lagama iibin doono diyaaradahaas, waxaane maamulka soo socdo ee uu hogaaminaayo BIDEN oo aan jeclayn ineey taageeraan in Maraykanku ka iibiyo hub dalalka Kahliijka iyo ciidamadda Maraykanka taageeraan isbahaysiga la dagaalamaayo Xuutiyiinta yaman ee uu hogaamiyo Sacuudiga looga digay inuusan wax hub ka iibin dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta oo lagu eedeeyey ineey iyaga iyo Xuutiyiinta u sabab yihiin nolol xumadda iyo amni daradda ka jirta Yaman. Xigasho Guardian.