JAAMICADA CARAB OO MARTIGELISAY…
SHIRKII QAAHIRA.
(QAHIRA)-Tobanaan hogaamiye iyo saraakiil sar-sare kana kala socday Wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa maanta oo Axad ah ka digay talaabooyinka Israel ka wado Qudus iyo Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin,waxa eyna sheegeen ineey sii xumaan doonto Jahwreerna sii geli doonto xaaladda gobolka iyo ineey sii burqadaan rabshadaha u dhexeeyo dadka reer Falastiin iyo ciidamadda Israel. Fadhiga ka dhacay Qaahira ayaa waxaa martigelisay Jaamicadda Carabta waxaane ka qeybgalay Madaxweynayaasha Masar C/fataax Al-sisi, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Boqorka dalka Urdun Boqor Cabadallaha labaad,waxaane shirka qeyb ka ahaay Wasiiro Arrimo Dibadeedyo iyo saraakiil sar-sare.
ISHA WARKA VOA.