SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO WEERARTAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA.

(SANA’A-YE)-Ka dib markii ey kooxda Xuutiyiinta ey Gentaal ka tuureen Yeman una jiheeyeen Isra’iil ayey sababtay in diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil iney dhawr jeer weeraro ku qaadaan goobo ku yaalo Caasimadda Sanca iyo Gobolka Xudeyda. Wariyaha AL-Carabiya ayaa sheegay in tobaneeyo diyaadaha Dagaalka Isra’iil ey duulan ku qaadeen dhawr goobood ey Xuutiyiinta ku leeyihiin caasimadda Sanca iyo magaaladda Xeebeedka Xudeyda gaar ahaan dekedda Ra’as Ciisa ee Saliida oo ey Isra’iil duqeysay dabayaaqadii bishii Sebteembar ee la soo dhaafay. Wariyaha ayaa soo sheegay in la duqeeyey Xarunta Korontada ee AL-Xaziiz oo ku taalo Koonfurta caasimadda Sanca,duulaanadaan ayaa la sheegay in dawladda Maraykanka ey la socotay laguna wargeliyey sida uu qoray Wargayska Maraykanka laga leeyahay ee AXIOS. Arrintaan ayaa timid ka dib markii ciidamadda Isra’iil ey qabteen/rideen waaberigii waqtiga Isra’iil dhawr Gentaal oo Balastik ah lagana soo tuuray dalka Yeman,Isra’iil ayaa sheegtay in dhawaqa seeriga laga maqlay bartamaha Isra’iil si dadka degaanka loogaga digo khatarta ah iney soo dhacaan Gentaalo sababa burbur. Ciidanka ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay in ciidamada cirka ey soo rideen Gentaal laga soo tuuray dalka Yeman ka hor inta aanuu u gudbin dhulka Isra’iil. Sidoo kale,laba maalmood ka hor Xuutiyiinta waxay Gentaal Balastik ah ku tuureen Isra’iil kaaso si ku meel gaara ah loo joojiyey isaga oo maraayey Hawada Garoonka Diyaaradaha ee Tel-Aviv.

ISHA-AA.