SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO WEERARTAY DIMISHIQ CAAWA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA ISRAEL.

(DIMISHIQ)-Duqeymo dhanka cirka ah ayey Isra’iil ka gaysatay Koonfurta dalka Suriya sida ey sheegtay Wasaaradda Difaac Dalka Suriya,warbaahinta Xukuumada Suriya ayaa sheegtay in weeraro lagu qaaday meel u dhaw Caasimadda Dimishiq. Abaarihii shan saac habeenimo waqtiga Dimishiq ee maanta oo Khamiis ah ayey diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil waxa ey duqeyn dhinaca cirka ah ka gaysteen jihada buuraha Goolan ee dalka Suriya ee la haysto waxa eyna diyaaraduhu bartilmaansadeen goobo ka mida Gobolka Koonfureed,sidaas waxaa lagu sheegay war ey soo saartay Wasaaradda Difaac dalka Suriya iyadoo aan la sheegin khasaaro nafeed. Isra’iil ayaa marar dhif ah waxa ey ka hadashaa duqeymaha ey la beegsato dalka Suriya balse waxay marar badan ku celcelisay ineysan ogolaaneyn in dalka Suriya ey ku sugnaadaan saraakiil reer Iraan ah oo taageero xukuumadda MW-Bashaar AL-Asad. Kormeerayaash dagaalka dalka Suriya Syrian Observatory Human Rights ayaa sheegay in Isra’iil duqeymo la beegsatay goobo ey yaaliin difaaca hawada dalka Suriya kuna yaalo Gobolka Koonfureed ee Suweyda ee dalka Suriya iyo meel u dhaw Garoonka caalamiaga ah ee Dimishiq.

ISHA/SB-MEDIA.