SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO WEERARTAY DALKA SUURIYA.

(SAWIRKA)-BURBURKII KA DHASHAY DUQEYNTII KA DHACDAY DIMISHIQ.

(DIMISHIQ)-Wararka ka imaanayo dalka Suuriya ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalka Isra’iil ey duqeeyeen degaan ku yaalo magaaladda caasimadda ah Dimishiq ee dalka Suuriya maanta oo Arbaca ah waxaane duqeynta ku dhintay ilaa laba qofood sidaas waxaa sheegtay Warbaahinta rasmiga ah ee dalka Suuriya. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza khasaarihiisa ayaa sii kordhaayo waxaane la soo sheegayaa in dad fara badan ey ku dhinteen dagaalkan soo bialwday 7/10/23-kii. Weerarkii maanta ey qaadeen diyaaradah Isra’iil eyna ku dhinteen labada qofood ayaa waxaa ka hadlay TV-ga dawaladda Suuriya kaaso sheegay in weerarka ey soo qaadeen diyaradah dagaalka Isra’iil gentaalana ku rideen xaafada Kafar Suusa ee caasimadda Dimishiq,balse dhacdadaan ayey inkireen ciidamadda Isra’iil ka dib markii ey Wakaaladda AFP weydiisay inuu jiro weerar dhinaca cirka ah laguna qaaday dalka Suuriya. Sawirqaade ka tirsan Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in duqeyntu ku dhacday dhismo ka kooban ilaa sagaal dabaqadood kaaso banaankiisu qeyb ahaan ey mugdi ahayd,waxa eyna waxyeelo soo gaartay agagaarka dabaqa afaraad halka baabuurtii ka agdhaweed waxyeelo ey soo gaartay iyagana.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.