ISRA’IIL OO SIR KA HESHAY DALAL CARBEED ISKANA DIFAACDAY IRAAN.
(SAWIRKA)-WEERARKII IRAAN KU QAADAY ISRA’IIL.
(WASHINGTON)-Wargayska caanka ah ee WALL STREET JOURNAL ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in wadamadda Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ey sirta weerarka Iraan la wadaageen dalalka Maraykanka iyo Isra’iil ka hor inta aanuu dalka Iraan uusan Isra’iil ku weerarin Diyaaradaha Drones-ka ee ismiidaamiya iyo Gentaaladda Balaastikada ah. Habeenimaddii Sabtida dalka Iraan ayaa weerar balaaran waxa uu ku qaaday dalka Isra’iil iyadoo ku gentay in ka badan 300-diyaaradaha Drones-ka ismiidaamiya ah iyo Gentaaladda Balastikada ah kuwaaso intooda badan hawada lagu gubay inteysan gaari halkii bartilmaameedku ahaay. Weerarka ey qaaday Iraan ayaa jawaab u ahaay weerar ey Isra’iil ku qaaday Qunsuliyadda Iraan ee magaaladda Dimishiq ee dalka suriya horaantii bishaan Abril-2024-ka,weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay ilaa todobo qofood ey ku jiraan saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan. Sida laga soo xigtay Wargayska WSJ Isra’iil waxay awood u yeelatay iney ka hortagto ku dhawaad dhammaan diyaaradaha Drones-ka ismiidaamiya sabab la xiriirta ku lug lahaanshaha wadamadda Carabta ee kala ah Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,wadamadaan ayaa sii gudbiyey sirta ku saabsan weerarka ka hor inta uusan dhicin,waxa eyna hawadooda u fureen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Isra’iil si ey u difaacaan Isra’iil, wadaag xogta weerarka Iraan ey bixiyeen Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta waxa ey noqotay mid Isra’iil ka badbaadisay halis fara badan oo ey kala kulmi laheed weerarka Iraan kaga yimid.
ISHA/ARAB.