SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO LAGA YAABO IN LA SAARO CUNAQABATEYN.

(SAWIRKA)-FRANCESCA ALBANESE.

(UN)-Khabiirad dhanka Xuquuqul Insaanka u qaabilsan Qaramada Middobe lana yiraahdo Francesca Albanese ayaa Isniintii shalay ahayd u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe warbixin ey ku sheegtay in Isra’iil dhawr Xasuuq ku gaysatay dagaalka ey ku hayso Marinka Gaza isla markaane ey tahay in la saaro Cunaqabateyn dhinaca Hubka ah. Albanese oo ah Wakiil gaar ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee dhulka reer Falastiin ayaa warbixinteeda ku sheegtay iney heshay sababo macquul ah si loo go’amiyo in Isra’iil ey jebisay Seddex ka mid ah shanta fal ee ku qoran Xeerka Xasuuqa Qaramada Midoobe. Kuwaas waxaa ka mid ah dilka Falastiiniyiinta iyagoo aan gaysan dhaawac halis ah oo jireed ama maskaxeed iyo Isra’iil oo si ula kac ah u gaysatay xaalado nololeed oo loo xisaabiyo iney keenaan burburinta jireed ee dadweynaha guud ahaan ama qeyb ahaan,falalkan ayaa lagu ansixiyey oraahyo ujeedo xasuuq ah oo ka yimid mileteriga sare iyo madaxda dawladda. “Dabeecadda xad dhaafka ah iyo baaxadda weerarka Isra’iil ey ku hayso Marinka Gaza iyo xaaladaha nololeed ee burburka ah ey gaysatay Isra’iil ayaa daah ka qaaday in la doonaayo in jir ahaan loo burburiyo Falastiiniyiinta koox ahaan” ayaa lagu yir warbixinta.

ISHA/MEE.

RIIX HALKAN.