SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO DUQEYSAY ISBITAALKA AL-SHIFA’A EE GAZA.

(SAWIRKA)-MUUQAALKA LAGA SOO QAADAY ISBITAALKA AL-SHIFA’A.

(GAZA)-Wararka laga helaayo dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Ciidamadda Difaac Isra’iil(IDF) ee ka socdo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in laba canug oo aan dhammays ahayn(Dhicis) ey dhintay ka dib markii ey korontada ka go’oday Isbitaalka ugu weyn Marinka Gaza sidaas waxaa sheegay Takhaatiirka u dooda Xuqquda dadka ee reer Isra’iil maanta oo Sabti ah(11/11/23)-ka,takhaatiirtan ayaa ku sugneed gudaha Isbitaalka ey ka go’oday korontada,dagaal si aad ah looga caroodana waxa uu ka socday hareeraha dhismaha Isbitaalka weyn AL-Shifa’a ee magaaladda Gaza. “Natiijadii ka dhalatay koronta la’aanta Isbitaalka AL-Shifa’a waxa aan ku wargelinay qeybta daaweynta gaarka ah ee loogu talagalay caruurta markaasi dhalatay waxa uuna joojiyey shaqadii,laba caruur ah oo aan dhammays ahayn(Dhicis) ayaana ku geeriyootay,waxaane halkaan ka jirto dhibaato weyn ey halis ugu jiraan 37-canug oo kale kuwaaso aan ahayn dhammays(Dhicisyo) kuna wada sugan Isbitaalka AL-Shifa’a,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ey soo saareen koox Takhaatiir reer Isra’iil ah.

ISHA/AFP.

HALKAN KA SI AKHRISO.