SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO DUQEYN KU DISHAY SARKAAL SARE OO IRAAN AH.

(SAWIRKA)-RAZI MOUSAVI.

(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasiamadda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in halkaasi ey weerareen diyaaradaha dagalka ee dalka Isra’iil maanta oo Isniin ah,waxaane la soo sheegayaa in sarkaal sare oo ka tirsanaay ilaaladda kacaanka islamiga ah ee dalka Iraan(IRGC) lagu dilay duqeyn ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil. Sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Tasnim ee gacan saarka la leh dawladda Iraan ayaa xaqiijisay in weerarka ey gaysteen diyaaradaha Isra’iil lagu dilay S/Guuto.Razi Mousavi,weerarka ayaa lala beegsaday halka loo yaqaano Sayidah Zaynab waane halka ey sida joogtada ah ugu kulmaan saraakiisha reer Iraan ee taageerta ururka Xizbullah kana dagaalamo gudaha dalalka Libnaan iyo Suuriya. Weerarka maanta lagu dilay sarkaal sare oo reer Iraan ah ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha dalka Iraan Ibrahim Raisi waxa uuna yiri’Shaki la’aan,falkan waa calaamad kale oo muujineyso niyad jabka gargaar la’aanta ah iyo awood la’aanta haysata maamulka Yahuuda ee gobolka bariga dhexe”.

ISHA/THE TIMES.

HALKAN KA SI AKHRISO.