ISRA’IIL OO DISHAY SAALIM CAYAASH OO LA….
(SAWIRKA)-SAALIM CAYAASH.
(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in Hogaamiye ka tirsan Ururka Xizbullah lana yiraahdo Saalim Cayaash ey dileen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil maalintii Sabtida ee la soo dhaafay,sidaas waxaa sheegay Tv-ga AL-Carabiya Barnaamijka AL-Xadath. Dilka Saalim Cayaash ayaa waxaa ka soo baxay warar is-khilaafsan kuna saabsan halka lagu dilay, sida ey ilo wareedyo u tilmaameen Barnaamijka AL-Xadath ee Tv-ga AL-Carabiya Hogaamiye Saalim Cayaash ayaa lagu dilay magaaladda Quseyr ee xuduuda ku taal,halka mareegta Walla News ee lagu daabaco Af-Yahuuda ey sheegtay in hogaamiye Cayaash lagu dilay weerar ey qaadeen diyaaradaha Isra’iil kaaso ka dhacay aaga Sayidda Zeynab ee Koonfurta magaaladda caasimada ah ee Dimishiq. Saalim Cayaash ayaa lagu helay dembiga ah inuu dilay Reysal Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafiiq AL-Xariiri,waxane la geeriyooday seddex xubnood oo kale kana tirsan Ururka Xizbullah,Xukun ey soo saartay Cayaash oo maqana ah Maxkamdda gaarka ah ee Caalamiga ah ee Lubnaan bishii Diseembar sannadkii 2020-kii, Hogaamiye Saalim Cayaasha ayaa ka soo jeedo Xaaruuf ee degmada Nabatiyah ee Koonfurta dalka Lubnaan,waxa uuna Cayaash dhashay sannadkii 1963-dii. Go’aanka Maxkamadda gaarka ah ee Lubnaan ayaa ku edeysay Saalim Cyaash iyo seddex kale kalana ah”Xuseen Cuneysi, Xasan Xabiib iyo Scad sabri” “iney ka qeyb qaateen shirqool la doonaayey in lagu geysto fal Argagixiso”,kaaso ah dilkii AL-Xariiri ee dhacay bishii Febraayo 14-keedii sannadkii 2005-tii. Weerarkaan lagu khaarijyey Reysal Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafiiq AL-Xariir ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa waxane la agdhigay gaarigiisa ka dibne waa la qarxiyey,qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 26-Qofood uu ku jiro RW-AL-Xariiri waxaane ku dhawacmay dad gaaraayo ilaa 226-Qofood oo kale.
SB-MEDIA.