SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO DAD BADAN KU DISHAY MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-TIRA KOOBKII UGU DAMBEYEY EE MARINKA GAZA.

(GAZA)-Ugu yaraan 67-qofood oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay waxaane la dhaawacay ilaa 106-qofood oo kale afar iyo labaatan kii saac ee la soo dhaafay. Iyadoo Isra’iil ey sii wado duqeymaha ey ku hayso Marinka Gaza ee go’doonsan sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza maanta oo Isniin ah ahne maalintii ugu horeysay ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan. “Gumaysiga Isra’iil waxa uu gaystay todobo xasuuq oo ka dhan ah Qoysaska Marinka Gaza isagoo dilay 67-qofood dhaawacayne ilaa 106-qofood kale 24-saac ee la soo dhaafay”ayey hadalkeeda sii raacisay Wasaaradda caafimaadka Gaza,Wasaaradda ayaa sheegtay in 72% dadka dhintay ey yihiin Caruur iyo Dumar. Tira koobkii ugu dambeeyey ee la sameeyey kuna saabsanayey khaasaraha ka dhashay duqeymaha Isra’iil ee Marinka Gaza ayaa gaaray ilaa 31,112-qofood oo Falastiiniyiin ah halka uu dhaawacu gaaray ilaa 72,760-qofood,waxaane jira dad fara badan oo weli ku hoos xayiran burburka dhismayaasha,hayadaha samafalkana ey awoodi kari waayeen iney wax ka qabtaan,sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda caafimaadka Marinka Gaza. Dhinaca kale,ilaa 25-qofood ayaa u geeriyooday Nafqa darri iyo Fuuq bax sida uu sheegay maamulka caafimaadka ee Gaza. Isra’iil ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ku hayso Marinka Gaza tan iyo markii uu dhacay weerarki ey qaaday Xamaas uguna magac dartay Dufaantii AL_Aqsa’a taariikhdu markeey ahayd 7/10/23-kii,Isra’iil ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu dilay dad gaaraayo ilaa 1200-qofood laguna qafaashay ilaa 200-qofood kale. Weerarka Isra’iil ee Marinka Gaza ayaa 85% dadka ku nool dhulkaas ku qasbay iney noqdaan barakacayaal gudaha dhulka Falastiin iyadoo ey ka jiraan Marinka Gaza biyo aan nadiif ahayn,dawo la’aan iyo cunto yari aad u ba’an,waxaane Isra’iil lagu eedeyey iney dhulka Falastiin ka gaysatay Xasuuq.

ISHA/AA.