SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO BAADI GOOB UGU JIRTA YAXYE SANWAAR.

(SAWIRKA)YAXYE IBRAHIM SANWAAR.

(ISRAEL)-Isra’iil waxa ey ku wareertay hogaamiye weyn oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ee Marinka Gaza waa Yaxye Ibrahim AL-Sanwaar,waxa uu Yahxye dhashay sanaddkii 1962-dii waxa uuna ku dhashay Xerada Qaxootiga ee Khaan Yoonis, Yaxye ayaa ku xirnaay Xabsiyadda Isra’iil muddo dhan 24-sano ka dib markii lagu xukumay Xabsi daa’im,qoyska Yaxye Sanwaar ayaa waxa ey ku noolaayeen magaaladda AL_Majdal AL-Casqaklaan ka hor inta aan lagu dhawaaqin Xukuumadda Isra’iil sannadkii 1948-dii,waxa uune Yaxye Sanwaar ku soo barbaaray Xerada Qaxootiga ee Khaan Yoonis ey ka taliyaan Isra’iil,waane ninkii dhisay koox qaabilsan Amniga loona yaqaano “MAJDI”,waxa uuna Xabsiga Isra’iil ka soo baxay sannadkii 2011-kii,waxa uuna madax ka noqday Guutada Ciza-diin AL-Qasaam qeybta ciidamadda ee Xarakada Xamaas. Yaxye Ibrahim Sanwaar ayey dawladda Maraykanka waxa ey ku dartay Liiska Madaw ey ku jiraan dadka uu Maraykanku u aqoonsado iney yihiin Argagixiso,hadaba Wargays ka soo baxa Isra’iil lana yiraahdo “AL-MACARIF”ayaa daaha ka qaaday maanta oo Talaada ah in Sirdoonka Isra’iil ee Gudaha”Shin bet”uu Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netenyahu uu u soo bandhigay qorshe lagu dilaayo Madaxa Dhaqdhaqaaqa Xarakada Xamaas ee Marinka Gaza Yaxye Sanwaar muddo u dhexeysay 2011-kk ilaa 2023-ka. Wargayska wuxuu tilmaamay warbixin uu diyaariyey falanqeeye siyaasadeed Bin Kasbiit in Netenyahu uu diiday inuu ogolaado lix qorshe oo ey soo bandhigtay Shin Bet ee uu hogaamiyo madaxii hore ee Shin Bet Yoram Cohen iyo Salfa Nadar Algaram iyo madaxa hadda ee Shin Bet Ronen Bar. Sida laga soo xigtay Kasbet warbixintiisa ayuu ku saleeyey Markhaatiyo fara badan oo saraakiil sar sare ah kuwaaso xilal muhim ka soo qabtay Hayadda Amniga Isra’iil,qorshayaasha lagu doonaayey in lagu dilo Sanwaar waxaa ka mid ahaay tafasiil sax ah oo dhammaystiran oo ey ku jiraan fikradaha sameynta dilka Sanwaar.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.