ISRAEL OO XIREYSA 10-WASAARADOOD SABABTA?
(SAWIRKA)-BURBURKA DAGAALKA GAZA.
(ISRAEL)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) ayaa maanta waxa uu galay maalintiisii 79-aad,dagaalkan ayaa soo bilawday 7/10/23-ka ka dib markii Xarakada Xamaas ey weerar xoogan ey ku qaaday dhulka Isra’iil,werarkaan ayaa loogu magac daray”DUUFAANTII AL-AQSA). Dhinaca kale,dagaalkan Gaza ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaraayo ilaa 20-kun qofood oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar,hadaba Isra’iil ma gaartay hadafkeedii ahaay iney tirtirto Xamaas? Wasaaradda Maaliyadda dalka Isra’iil ayaa lagu soo warmayaa iney ku talisay in la xiro 10-Wasaaradood oo ka mid ah Xukuumadda uu hogaamiyo Netenyahu, ujeedka xiritaan Wasaaradaha ayaa lagu sheegay iney tahay si loo daboolomiisaaniyadda yaraanta waqtiga dagaalka ee NIS 70-Milyan una dhiganta ilaa $20-Bilyan oo ey wehliso liiska talaabooyinka kale oo suurtagal ah. Sida laga soo xigtay Channel-ka 12-aad ee ku hadla Afka Yahuuda ee Cibriga Wasaaradaha la beegsaday ayaa kala ah” Dejinta iyo Ergooyinka Qaranka,Dhaqanka Yahuuda,Sirdoonka,Horumarinta Negev iyo Galilee,Iskaashiga Gobolka,Arrimaha Qurbaha iyo Sinaanta bulshada,Istaratiijiyadda,Dhaxalka iyo Horumarka Maqaamka iyo Haweenka”.
ISHA/THE TIMES OF ISRAEL.