SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRAEL MAKU GUULAYSAN DOONTAA….

(SAWIRKA)-TAANGIYADA ISRAEL OO U DIYAAR AH DAGAAL.

(GAZA)-Ciidamadda Israel ayaa iclaamiyey galabnimadii maanta oo Sabti ah iney diyaar yihiin qeybo ka mida ciidamadda dhulka ee Isarel si ey u weeraraan Gaza una fuliyaan hawlgal weerar ah,waxaane hawlgalkaan iska kaashan doono Ciidamadda kala ah Dhulka,Badda iyo Cirka waxaane ujeedku yahay in xoogaga Xamaas laga saaro Gaza lana soo dhammaystiro soo laabashada ciidamadda keydka ah ee Israel. Qoraal uu soo saaray Mileteriga Israel ayaa lagu sheegay in ciidamadda dhulka qeybahooda kala ah Teknoolojiyad iyo isku duwidda ey si wadajir uga shaqeyn doonaan diyaarinta ciidamadda Israel ee gelaayo dagaalka adag ee lala gelaayo xarakada Xamaas,qoraalka ayaa intaas ku daray qeybaha sida gaarka ah u tababaran iyo ciidamadda Israel ayaa isku balaarin doono hareeraha dalka Israel waxa eyna diyaar u noqon doonaan dagaalka soo socdo ayagoo si aad ah isha ugu haayo hawlgalka weyn ee dhinaca dhulka ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.