SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRAA’IIL OO WEERAR KU DISHAY SHAN SARKAAL OO IRAAN AH.

(SAWIRKA)-SARKAAL SARE OO KA TIRSAN ILAALADDA KACAANKA IRAAN OO LAGU DILAY SURIYA.

(DIMISHIQ-SYRIA)-Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan(IRGC) ayaa sheegtay in xubin shanaad oo ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamadda uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray gentaal ey Israa’iil ku garaacday caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq maanta oo Sabti ah kuna beegan 20/1/2024-ka. Goor hore oo maanta ah ayey ilaaladda kacaanka dalka Iraan(IRGC) waxa ey ku dhawaaqeen in gudaha dalka Suriya gaar ahaan caasimadda Dimisihiq lagu dilay afar xubnood oo iyaga ka tirsan kuwaaso ahaay la taliyeyaal ciidamadda Mileteriga uuna ka md yahay sarkaal sare oo dhinaca sirdoonka ah,weerarka ragaan lagu dilay ayaa waxaa fuliyey ciidamdda Israa’iil waxa uuna ka dhacay caasimadda Dimishiq,bayaan ey soo saareen Ilaaladda Kacaanka Iraan(IRGC) ayaa muujinaayo iney dhimasho soo gaartay ciidamadda dawladda Suriya balse lama sheegin tirada inta ey la eg tahay.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.