ISRAA’IIL DIYAARAD KU DISHAY WARIYE KA TIRSAN TV-GA AL-JAZEERA.
(SAWIRKA)-ISMAACIIL AL-GHOUL,WARIYE KA TIRSAN TV-GA AL-JAZEERA OO MAANTA LAGU DILAY GAZA.
(DOHA-QATAR)-”Ka dib 3-boqol oo maalmood oo aan si joogta ah ula soconaayey saaxibkey Ismaaciil Gool, waxa aan arkay isaga oo aan Madax lahayn”. Kuwani waxay ahaayeen erayadii argagaxa lahaa ee uu lahaa wariyaha Tv-ga Aljazeera Anas AL-Shariif,indhihiisu waxa ey aad uga burqanayey ilin,waxaane wejigiisa si weyn uga muuqday xanuun,ka dib 10-bilood oo uu soo tebinayey dembiydda aan la soo koobi karin ee ey dadkiisa ku hayaan xasuuqa naxariis darada ah ee Israa’iil ey ku hayso Marinka Gaza. Saaxibadda Wariye Gool iyo Hawlwadeenadda Kaameradaha Raami AL-Rifi ayaa waxaa bartilmaameedsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil iska leedahay iyagoo xiran qalabkoodii wariyenimo,waxa eyna ku safraayeen baabuur si cad loogu calaamadiyey inuu yahay Gaadiidka Warbaahinta. Gawracooda oo Xafiiska Warbaahinta Dawladda Marinka Gaza uu sheegay inuu ka dhigay tirada saxafiyiinta Falastiiniyiinta ah ey dishay Israa’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza 7/10/2023-kii iney gaartay ilaa 165-saxafi oo dhiigooda lagu qubay gudaha Marinka Gaza.
ISHA/MEE.