ISMIIDAAMIN LOO ADEEGSADAY BAABUUR QAADA XAMUULKA.
(SAWIRKA)-BAABUURKII XAMUULKA EE KU DHACAY GOOBTA BSASKA LAGA RAACO.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in ugu yaraan ilaa 37-Qofood oo Israa’iiliyiin ah ey ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Baabuur kuwa Xamuulka ah kaaso lala beegsaday goob basaska laga raaco oo ku taalo degaanka Glilot ee Waqooyiga magaaladda caasimada ah ee Tel Aviv,adeega Ambalaaska Israa’iil ee Magen David Adom ayaa sheegay in ugu yaraan 15-Qofood oo ka mid ah dadkii dhaawacmay ey ku jiraan xaalad halis ah. Wararkii ugu horeeyey ayaa sheegaya in gaariga Xamuulka ah ee ku dhacay goobta basaska laga raaco ee Waqooyiga Tel Aviv in waxyeelo kasoo gaartay askar ku sii jeeday saldhigyo ey leeyihiin ciidamadda Difaac Israa’iil(IDF). Wargayska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in tiro dad ah oo dhaawac ah ey weli ku hoos jiraan gaariga Xamuulka ah kuwaso ey liidato xaaladooda, hayadaha gargaarka Israa’iil ayaa sheegaayo iney gargaar deg deg ah siiyeen dad fara badan kuwaaso ku jiray gaariga Xamuulka ah. Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in boolisku ey toogteen darawalkii weday gaariga Xamuulka ah iyaddoo aan la bixin xog dheeri ah kuna saabsan xaaladiisa. Ilo dhanka amaanka ah ayaa intaas ku daray in ninka falkaan haystay ey u badan tahay inuu ka soo jeedo Bariga Qudus iyadoo aan weli la xaqiijin cidda uu yahay.
ISHA-NA.