ISKA HORIMAAD KA DHACAY XUDUUDA LUBNAAN IYO SUR..
(SAWIRKA)-XUDUUDA U DHEXEYSO LUBNAAN IYO SURIYA.
(BEIRUT)-Ka dib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay uu iska horimaad hubeysan uu ka dhacay xadka labada dal ee Lubnaan iyo Suriya,iska horimaadka ayaa u dhexeeyey Ciidamadda Amaanka dalka Lubnaan iyo qaar ka mid ah Mintidiinta Suriya ayey Waaxda Hawlgalada Mileteri ee Suriya gurmad dheeraad ah u dirtay halka uu ka dhacay iska horimaadka. Wariye ka tirsan Tv-ga laga leeyahay dalka Sacuudiga ee AL-Carabiya ayaa soo sheegay maanta oo Sabti ah in Gaadiid dagaal oo dheeraad ah iyo askar ka tirsan Hayadaha Amniga la soo dhoobay xuduudka gaar ahaan meel u dhaw magaalooyinka Sargaaya iyo Macrabuun oo ka soo horjeeda Gobolka Baalbek ee Bariga dalka Lubnaan,Video la daawaday ayaa muujinaayo in Ciidamado fara badan la soo dhoobay Xadka dhinaca xiga Suriya. Shalay oo Jimca ahayd degaanka Maaraboun-Baalbek ee ku yaalo xuduuda dalka Suriya ee Bariga dalka Lubnaan waxaa ka dhacay iska horimaad dhexmaray Ciidamadda dalka Lubnaan iyo kooxo hubeysan ka dib markii ey lala beegsadeen hub dhexdhexaad ah cutub ka tirsan Ciidamadda mileteriga dalka Lubnaan,waxa eyna taasi sababtay inuu dhaawac fudud soo gaaro afar akseri,sidoo kale,waxaa la diiwangeliyey dhaawacyada intii uu socday iska horimaadka u dhexeeye Ciidamadda iyo maleeshiyaad Suriya ee degaanka Sargaaya ee xuduuda bari ee dalka Lubnaan,ilo dhanka Amaanka ah kana tirsan Ciidamadda Lubnaan ayaa xaqiijiyey in taliska Ciidamadu awoodi kari waayey inuu ogaado cidda ey yihiin dableyda hubeysan. Dhankiisa,Axmed Sharac oo ah Hogaamiyaha Maamulka Cusub ee dalka Suriya iyo Hogaamiyaha Xayat Taxriir AL-shaam ayaa carabka ku adkeeyey mar uu shalay khadka kula hadlaayey Madaxa Xukuumadda ku meel gaarka ah ee dalka Lubnaan Najiib Mikati,in hayadaha ey khuseyso iney sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaan ah si loo soo celiyo xasiloonida xuduuda loogana hortago iney soo noqnoqdaan wixii dhacay,waxaa xusid mudan in xuduuda labada dal ee Lubnaan iyo Suriya ey maraan wadooyin fara badan oo sharci darra ah kuwaaso ey sameysteen dadka Tahriibiya Badeecadaha,Hubka iyo sidoo kale Daroogada.
ISHA-AA.