SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISIS OO LA OGAADAY INEY HELAAN HUB.

(SAWIRKA)-ISIS EE CRAAQ IYO SURIYA.

(SYRIA)-Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamiga ah(IS) ee Waqooyi-Bari dalka Suriya ayaa la soo sheegay iney haystaan hub heerka dhexe ah oo la isku duway in kasto IS ey dhumiyeen gacan ku haynta dhuleed,sidaas waxaa lagu sheegay Warbixin ey soo saareen Cilmi baaris hubka isku dhaca CONFLICT ARMAMENT RESEARCH(CAR). Warbixin uu soo saaray kormeeraha hubkaayaa lagu falaqeyey 271 Hub iyo 13-kun oo Rasaas ah oo ey qabteen ciidamadda Kurdiyiinta ee Dimuqaraadiga Suriya(SDF) intii lagu guda jiray seddex weerar oo lagu qaaday unugyada IS kuna sugan Waqooyi-Bari Suriya intii u dhexeysay 2021-kii ilaa 2022-kii. IS waxa ey gacanta ku haysay dhul balaaran oo Ciraaq iyo Suriya ah intii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2019-kii ka hor inteysan ciidamadda Isbahaysiga caalamiga ah ee uu hogaaminaayey Maraykanka eyna la hawlgaleen ciidamo maxali ah ey hoos u dhigin awoodii kooxda IS ey ku maamuleysay dhulkaasi balaaran bishii Maarso-2019-kii kuna qasbeen IS iney isaga baxaan. In kastoo laga adkaaday kooxda loogu yeero Khiaafada sannadkii 2019-kii,hadane IS waxa ey haysataa shabakad dhexe oo u qaabilsan qeybinta hubka Suriya,shabakadaan waxaa loo diray iney qalabeyso unugyo heer sare ah oo IS ah si ey weeraro u fuliyaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.