ISIS OO ASKAR KU DISHAY CIRAAQ.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Bam wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa ku qarxay meel u dhaw goob ey ciidamadda Ciraaq ey roondo ka sameynaayeen Waqooyiga caasimadda Baqdaad maanta oo Jimca ah,qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal askeri waxaane dhaawacmay afar kale sida ey bayaan ku sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Ciraaq. Weerarka ayaa ka dhacay magaaladda Tamriya oo 25-kiilomitir Waqooyi kaga beegan magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad sida ey sheegtay Wasaaradda. Daacish ayaa si rasmi ah u sheegatay mauuliyadda qaraxa iyo iney ku dishay hal askeri eyna ku dhaawacday sagaal kale sida kooxdu ku sheegtay bayaan ey soo saartay. Wasiirka Gaashaandhiga dalka Ciraaq Thabit AL-Cabaasi ayaa gaaray aaga uu weerarku ka dhacay waxa uuna Wasiirku amray in la sameeyo baaritaan sida lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaadhiga. In kastoo sannadkii 2017-kii laga adkaaday kooxda Daacish hadane haraadigii kooxda Daacish ayaa dagaalkiisa u wareejiyey ku dhufo oo ka dhaqaaq kana dhan ah ciidamadda dawladda Ciraaq oo ku kala sugan qeybo ka mid dhulka Ciraaq.
ISHA/ALSGHARQ ALAWSAT.