SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISBITAALKA QUDUS OO CAAWA LA HAREEREEYEY.

(SAWIRKA)-ISBITAALKA QUDUS.

(QUDS)-Wararka ka imaanayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in Ururka Bisha Cas ee reer Falastiin uu maanta oo Isniin ah sheegay in shaqaalahooda ka hawlgala Isbitaalka Qudus la hareereyey waxaane weli socdo weeraradii cirka iyo dhulka ey qaadayeen ciidamadda difaaca Isra’iil. Ururka Bisha Cas ee reer falastiin bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in hareeraha Isbitaalka Qudus ey ka dheceyso rasaas aad culus ey ridayaan baabuurta dagaalka ee ciidamadda difaac isra’iil,waxaane gudaha Isbitaalka Qudus ku sugan dad xanuunsan iyo shaqaale ka tirsan Ururka Bisha Cas ee reer Falastiin,xaalada ka jirto gudaha Isbitaalka Qudus ee la hareereeyey ayaa ah mid aad looga deyrinaayo waayo dadka dhaawaca ah ee ku sugan gudaha Isbitaalka ma haystaan Koronto,Biyo iyo Cunta ey cunaan.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.