SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISBAHAYSIGA CIIDAMADA EE CIRAAQ OO WEE…

(SAWIRKA)-JABHADDA CIRAAQ.

(BAQDAD)-Mileteriga Maraykanka ayaa weerar cirka ah ka fuliyey Ciraaq gelinkii dambe ee maanta oo Talaada ah,weerarka ayaa lala beegsaday koox dagaalyahano ah oo isu diyaarinaayey iney soo ridaan diyaarad aan duuliye lahayn,sida uu sarkaal Maraykan ah uu u sheegay Warbaahinta AL-Arabiya. Iyadoo lagu saleynaayo weeraradii ugu dambeeyey ayaa waxaa la qiimeeyey in nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn ey halis ku yihiin Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa isbahyasiga. “Waan ilaalinaynaa xuquuqda asaasiga ah ee la difaaca,kama lablabeyn doono inaan qaadno talaabadaan ku haboon”,ayuu yiri sarkaalku maalmo ka dib weeraro badan oo lagu qaaday ciidamadda Maraykanka ee Ciraaq iyo Suuriya. Sarkaal ayaa intaas ku daray”Ficilkan waxa uu hoosta ka xariiqaa sida ey uga go’an tahay Maraykanka ilaalinta iyo badbaadada shaqaalaheena”. Ilo dhanka amaanka ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada abaabulka caanka ah ee Ciraaq(PMF) ayaa sheegay in qaraxyo lala beegsdaay saldhig ey ku sugnaayeen ciidamo hore oo taageersan Iraan oo ku sugnaa Koonfurta caasimadda Ciraaq ee Baqdaad Talaadada maanta ah. Qaraxyada ka dhacay saldhiga ayaa waxaa ku dhintay hal xubin, waxaane ku dhaawacmay todobo kale oo isugu jira Boolis iyo ilaha caafimaadka.

ISHA/AL-ARABIYA

SII AKHRI.