SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IRAN OO DIB U FURAYSA…

SAWIRKA SAFAARADDA IRAN.

(ANKARA)-Wafdi farsamo oo ka socday dalka Iraan ayaa maanta oo Arbaca ah(12/4/23)-ka gaaray caasimada dalka boqortooyada Sacuudiga ee Riyad,ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay iney tahay sidii ey dib ugu furi lahaayeen safaaradda dalka Iraan ku leeyahay Sacuudiga taaso fadhigeedu yahay magaaladda caasimada ah ee Riyad,sidaas waxaa warbaahinta la wadaagay masuuliyiin reer Iraan ah. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Irna ee dalka Iraan wafdiga reer Iraan ayaa dabayaaqada maanta u safri doono magaala xeebeedka Jiddah si ey u soo kormeeraan xafiiska Qunsuliyadda Iraan ku leedahay halkaas iyo xafiiska ergayga ururka iskaashiga islaamka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.