SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IRAAN OO LA OGAADAY INEYSAN QEYB KA AHAYN…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRAA’IIL.

(NEW YORK)-Sida uu qoray Wargays Online ah oo ka soo baxa magaaladda London ee dalka Ingiriiska laguna daabaco Luqadda Carabiga ayaa tibaaxay in dawladda Maraykanka iyo xulafadeed baadi goob ugu jiraan sidii ey u ogaan lahaayeen raadka uu dalka Iraan ku yeelan karo weerarkii Xamaas ey ku qaaday Israa’iil maalintii Sabtida ahayd,masuuliyiin Maraykan ah ayaa sheegay in dalka Iraan la yaabay wixii dhacay Sabtidii isna weydiinaayo qaabka Xamaas wax u weerartay balse laga yaabo in Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka Iraan yihiin kuwa tababaro Xamaas siiyana dhaqaale iyo hub wada jira. Wargayska New York Times ee ka soo baxda cariga Maraykanka ayaa sheegay in dalka Maraykanka iyo saaxibadiisa Bariga dhexe ey hubiyeen in dalka Iraan uusan kaalmo ka gaysan weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.