SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IRAAN OO ISRA’IIL KU WEERARTAY ILAA 350-GENTAAL IYO DRONES.

(SAWIRKA)-GENTAALKA DIFAACA HAWADA EE ARRAW.

(QUDS)-Weerarakii xalay ey Iraan ku qaaday Isra’iil ayna u adeegsatay Gentaalo iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ismiidaamiya iska difaacidooda ayaa Isra’iil waxaa uga baxday lacag dhan $1.35-Bilyan. Wargayska Maalinlaha ah ee ka soo baxa Isra’iil lana yiraahdo Yedioth Ahronoth oo soo xigtay S/G.Ram Aminach oo ahaay la taliye hore ee dhinaca dhaqaalaha ee madaxa shaqaalaha Isra’iil ayaa yiri”Kharashka Isra’iil xalay kaga baxay iska difaacidda weerarka Iraan waa mid u dhexeeyo(1.08 ilaa 1.35)-Bilyan. Hal gentaal ee dhinaca difaaca hawada lana yiraahdo”Arraw”looguna talagalay inuu hawada ku gubo gentaaladda kaga imanayo Iraan ayaa qiimihiisa waxaa lagu sheegay iney dhan tahay $3.5-Milyan,halka nuuca loo yaqaano”Magic Wand” qiimihiisu dhan yahay $1-Milyan marka lagu daro diyaaradaha ka qeyb qaatay ka hortaga Drones-ka Iraan. Wargayska Haaretz ee Isra’iil oo soo xiganaayey afhayeenka ciidamadda difaac isra’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in ilaa 350-gentaal iyo Drones ah ey Iraan ku soo gentay Isra’iil,gentaaladda iyo Drones-ka ayaa intooda badan la qabtay laguna gubay hawada,25-ka mid ah 30-ka gentaal ee nuucoodu yahay Cruisesiles ayaa hawada lagu gubay oo aan ku qarxin dhulka,in ka badan 120-gentaal oo Balastik ahne in yar oo ka mid ah ayaa ku qaraxday dhulka Isra’ill,waxaane burbur uu soo gaaray saldhiga hawada ee Nevatim. Afhayeenka ciidamadda difaac Isra’iil Hagari ayaa sheegay inuu guul daraystay isku daygii Iraan ey ku dooneysay iney ku wiiqdo awooda ciidanka Cirka Isra’iil gaar ahaan saldhiga Nevatim oo weli shqeynaayo,Hagari ayaa intaas raaciyey iney jiraan Gentaalo laga tuuray dalalka Yeman,Lubnaan iyo Suriya balse aan waxba gaysan. Afhayeenka Ciidamadda dufaaca Isra’iil ma uusan sheegin khasaaraha inta uu la eg yahay.

ISHA/AA.