SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

INGIRIISKA OO CUNAQABATEYN KU SOO ROGAY AFAR.

(SAWIRKA)-ISRA’IILIYIINTA XAGJIRA AH EE DAANTA GALBEED.

(LONDON)-Maanta oo Isniin ah,dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inuu cunaqabateyn ku soo rogay afar qofood oo Isra’iiliyiin xagjir ah,afartaan Xagjir ayaa lagu eedeyey iney gaysteen xadgudub ka dhan ah Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed,ka dib talaabo tan la mid ah oo uu qaaday Maraykanka horaantii bishaan Feberaayo-2024-ka. Xayiraadaha ayaa daba socdo waxa ey Boqortooyada Ingiriiska ugu yeertay”Heerar rabshadaha aan horay loo arag oo ey sameynayaan dadka Isra’iiliyiinta Xagjirka ah ee degan Daanta Galbeed” Sannadkii la soo dhaafay oo ey gaysteen qaar ka mid ah dadka degan degaamaynta sharci darada ah ee Isra’iil iyo fariisimaha ey ku leeyihiin halkaasi. Cunaqabteyntaan ayaa ka dhigan talaabo naadir ah oo ey London iyo Washington ku qaadeen Isra’iiliyiinta iyadoo Isra’iil dagaal ka wado Marinka Gaza. Xulafada Transatlatic taageeradooda joogtada ah ey u fidiyaan Isra’iil ayaa wajahday dhaleeceyn culus oo ku wajahan labada dal ee Maraykanka iyo Ingiriiska iyo qeybo ka mid ah gudaha dalalkooda. Cunaqabateynta uu Ingiriiska ku soo rogay afartaan Xagjir ee reer Isra’iil ayaa ah mid saameyneyso Hantidooda iyo Fiisaha dal ku galka iyo safarada,Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay “In Isra’iil qaado talaabooyin adag ey ku joojinayso rabshadaha ey sameynayaan dadka degan”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.