IMAARAATKA OO XUKUN KU RIDAY..
DEKADDA JABAL CALI.
(DUBAI)-Maxkamad ku taalo magaaladda Dubai ee dalkaasi Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE)ayaa dembi ku heshay maraakiib qaada xamuulka kuwaaso sababay in qarax weyn uu ka dhaco dekadda ugu dhaqdhaqaaqa badan dalkaasi Imaaraatka ee Jabal Cali sannadkii hore 2021-kii,qaraxa ka dhacay dekadda Jabal Cali ayaa waxaa laga wada maqlay dalka Imaaraatka oo dhan waxaane cirka laga arkaayey qaac madaw oo dul heehaabaayo dekadda Jabal Cali sida uu sheegay Wargays laga leeyahay Imaaraatka. Maxkamada Dubai waxa eey xukun ku riday shaqaalihii markabka qaraxay waxa eeyna ku xukuntay min hal bil oo xarig ah balse xukunka laguma fulin shaqaalaha oo waxaa loogu bedelay lacag waxaane mid walba lagu xukumay inuu bixiyo toban kun oo dirham(10,000) una dhiganta doolar ahaan ($27,225) labaatan iyo todobo kun laba boqol labaatan iyo shan.
ISHA WARKA AP.