IMAARAATKA OO XABSIGA U TAXAABAY….
SHARIIF.
(DUBAI)-Shariif Cismaan waa sarkaal hore oo ka tirsanaay ciidamadda dalka Masar haystana dhalashada dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu xiray dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) bishaan Noofembar-2022-ka sida ey sheegeen masuuliyiinta Imaaraatka Carabta,waxaane laga yaabaa in Shariif Cismaan uu wajahi doono in loo tarxiilo dalka Masar uu asal ahaan ka soo jeedo. Xiriga Shariif Cismaan ayaa lala xiriirinaa inuu ka yimid isku duwaha urur carbeed ayna ka mid yihiin dalal carbeed hayadahooda amniga sidaas waxaa laga soo xigtay Waragayska”WALL STREET JOURNAL”,Shariif Cismaan ayaa ah nin si aad ah uga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Masar Al-sisi iyo kaalmada dalka Maraykanka uu siiyo dalkaasi Masar,waxa uuna Shariif ka mid ahaay dadkii ku banaanbaxay shirkii looga hadlaay isbedelka cimilada ee ka dhacay magaaladda Sharma shiikh ee dalkaasi Masar(COP27).
ISHA WARKA MEE.