SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IMAARAATKA OO LAGA SII DAAYEY TAKHTAR REER LIBNAAN AH.

(DUBAI)-Dalka Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo ah Khamiis(28/4/22)-ka xabsiga ka sii daayey takhtar u dhashay dalka Libnaan lana yiraahdo Dr.Richard Kharrat,takhtarkaan ayaa imaaraatka u xirnaay muddo dhan seddex todobaad isagoo wax maxkamada la keenin lana shaacin xirigiisa ,Takhatarka ayaa ku eedeysnaay inuu bartiisa Twitter-ka ku qoray erayo lid ku ah xukuumadda Imaaraatka Carabta,arrintaan sii deynta takhatarka reer Libnaan ayaa timid ka dib markii dad reer Libnaan ah ka baafinyeen baraha bulshada in Takhtarka la la’ayahay in muddo ah ee dalka Imaaraatka ma uusan rabin inuu ka hadlo xiridda Takhtarka reer Libnaan.

XIGASHO AP

HALKAAN KA SII AKHRISO.