SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IMAARAATKA OO BILAWDAY INEEY…

SAWIRKA MW-IMAARAATKA MAXAMED BIN ZAYID AL-NAHYAN.

(CAMAAN)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa wararka sheegaayo in masuuliyiinta dalka Urdun u dhiibtay masuuliyiinta dalka Imaaratka Carabta nin mucaard ku ah Imaaraatka una dhashay dalka Imaaraatka,isla xogtaan ayaa sheegayso in ninka mucaaradka ah uu yahay Khalaf Bin C/raxmaan Rumaythi waxa uuna galay gacanta dawadda Imaaraatka,dawladda Imaaraatka ayaa ninkaan”Rumaythi”waxa ey horay ugu xukuntay xukun dhan 15-sano isaga oo dalka ka maqan,waxaane Khalaf lagu edeeyey inuu ka tirsan yahay urur qarsoodi ah kana soo horjeedo nidaanka ka arrimiyo dalka Imaaraatka,ururkaan ayaa gudaha Imaaraatka looga yaqaanaa”Imaaratka-94”. Waxaa intaas dheer oo la sheegay in arrinta la xiriirta qabashada Rumaythi la ogaaday ka dib markii nin u dhashay Imaaratka balse haysta dhalashada dalka Turkiga uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee boqrtooyada Urdun ee ku yaalo caasimadda Camaan Axadii la soo dhaafay,ninkaan ayaa booqasho gaar ah ku yimid dalka Urdun waxaane qabtay ciidamdda amaanka dalka Urdun ayagoo u maleyey inuu yahay Rumaythi,waxa eyna haydaha amniga Urdun sameeyeen is barbardhig sawirada Indhaha ah ee labada nin Rumaythi iyo ninkaan booqashada ku yimid Urdun waxaane haydaha Urdun u kala cadatay in Rumaythi yahay qofka ey raadinayaan Imaaratka lana haayo sawirka indhahiisa(EYE PRINT) laga qaaday sannadkii 2012-kii mar uu booqasho ku yimid dalka Urdun,Rumaythi oo 56-jir ah ayaa warbixintiisa lala wadaagay hayadda booliska caalamiga ah ee( Interpol )si ey u soo qabato meel kasta uu caalamka ka joogo,(Interpol) ayaa hadda waxaa madax ka ah nin u dhashay dalka Imaaraatka Carabta.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRISO.