SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IMAARAATKA IYO QADAR AYAA U EG KUWA HESHIIYEY.

Wargayska maalinla ah ee MIDDLE EAST EYE ayaa maanta oo Jimca ah(27/8/2021)-ka waxa uu wax ka qoray xiriirka soo hagaagaayo ee u dhexeeyo dalalka Imaaraatka Carabta iyo Qadar kaasoo gaaray heerkii ugu xumaay,wargayska ayaa qoraalkiisa waxa uu cinwaan uga dhigay “IMAARAATKA IYO QADAR AYAA SI WAAQICI AH OO CUSUB U BEDELAY DAGAALKII QABOOBAAY EE U DHEXEEYEY”. Booqashadda uu gobolka ku maraayo la taliyaha amniga ee Imaaraatka carabta Tahnuun Bin Zayid ayaa noqotay mid raad ku reebtay xiriirka u dhxeeyo isaga iyo walaalkiis ahne ninka xukuma Dubai Maxamed Bin Zayid ka dib markii uu booqasho aan la fileeyn uu ku tegay caasimadda dalka Qadar ee Dooxa lana kulmay amiirka dalka Qadar Tamiimi,booqsahadaan ayaa ah mid macna u leh madaxda sare ee dalka Imaaraatka Carabta tan iyo markii eey labada dal isku xumaadeen waane waqtigii uu socday kacdoonka ka jiro dalalka Carabta. XIGASHO MEE.

RIIX HALKAAN.