SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IMAARAATKA CARABTA IYO CIRAAQ OO WADA HADLAY.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA IMAARAAT CARABTA IYO REYSAL WASAARAHA CIRAAQ.

(ABU DABAI)-Madaxweynaha dalka Isutaga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan iyo Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Al-Sudani ayaa ka wada hadlay xiriirka labad iyo sidii loo sii balaarin lahaay ka dib markii ey kuwada hadleen khadka Telefoonka maanta oo Sabti ah,sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda wararka dalka Imaaraatka Carabta. Labada hogaamiye ayaa dib isula eegay jiritaan aaga iskaashi una dhexeeyo dalalka Ciraaq iyo Imaaraatka Carabta iyo fursadaha kale ey labada dal iska kaashan karaan,sidoo kale,waxay labada masuul is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka Bariga dhexe iyo kuwa caalamka,waxa eyna labada dal xaqiijiyeen iney xoojin doonaan isdhaafsiga danaha labada dal Ciraaq iyo Imaaraatka Carabta iyo kor u qaadida deganaanshaha gobolka Khaliijka.

ISHA/SB-MEDIA.