IMAAM LAGU DILAY DALKA YEMAN MAANTA OO …
GOBOLKA SHABWA EE YEMAN.
(YEMAN)-Ma aha mid lala yaabo marka aad maqashid waxaa la dilay Imaam Masjid gudaha caasimada Muqdisho waayo waxaa si aan macn lahayn loo dilaa dadka waxgalka ah ee dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwooda ku sugan caasimadda Muqdisho,laalkinse sheekada markaan ma aha mid ku saabsan Soomaliya amaba Caasimadda muqdisho,maanta oo Jimca ah waxa ey ahayd maalinta koobaad ee bisha Shawaal loona dabaal degaayey Ciidul fitriga-1444-ka. Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamada maanta looga dabaal degay Ciida Fitriga waxaane ka dhacday arrin aad u xanuun badan gaar ahaan arrintaan ayaa ka dhacday Gobolka Shabwa ee koonfurta Bari Yeman,gobolkaan waxaa ku sugan ciidamo iska soo horjeedo kana wada tirsan ciidamada dawladda Yeman balse mushaarkooda ey kala bixiyaan dawladda Imaaraatka Carabta iyo xukuumadda Yeman,Salaadii Ciida ee maanta ayaa waxaa u istaagay Sheekh ey isneceen gudoomiyaha Gobolka Shabwa oo gacan saar la leh dawladda Imaaraatka waxaane la isku dayey in khudbada Ciida laga hor istaago Sheekha balse ma aysan suuragelin oo khudbadi waa uu akhriyey laakinse naf lama uusan gaarin gurigiisa oo qarax ayaa dhaxda lagula eegtay waane uu ku geeriyooday.
ISHA WARKA ARAB.