HOGAAMIYIHII URURKA XIZBULLAHI EE SURIYA OO…
(SAWIRKA)-HOGAAMIYE WEYN OO LAGU DILAY SURIYA.
(SYRIA)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah in Shujaac AL-Cali oo Suriyaan ah lagu dilay rasaas ey fureen rag hubeysan intii uu socday iska horimaad u dhexeeyey xubno ka tirsan Waaxda Hawlgaladda Mileteri ee Suriya tuulada Khirbah AL-Xamaam oo ku taalo baadiyaha Galbeed ee Xumus. Ilo wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in Shujaac AL-Cali uu ka mid ahaay Hogaamiyeyaasha Nidaamka Bashaar AL-Asad lana dilay habeenimadii Khamiista,laguna dilay tuulada Balqasaha ee ka tirsan Xumus,ka dib markii ey isku dheceen xubno ka tirsan Waaxda Hawlgaladda Mileteri ee Suriya. Shujaac AL-Cali wuxuu masuul ka ahaa dilal badan iyo afduubyo loo geystay dad rayid ah oo u dhashay dalalka Lubnaan iyo Suriya si uu Madax furasho uga qaato,sida ey sheegeyso xog la helay Shujaac AL-Cali ayaa hgaaminaayey Maleeshiyo ka kooban ilaa 400-xubnood kuwaaso ka soo jeeda Tuulada Balqasaha oo ka tirsan Baadiyaha Xumus. Ka hor inta uusan dhicin taliskii Bashaar ayey kooxdaan hubeysan ee uu hogaamiyo Shujaac AL-Cali waxa ey qafaasheen ilaa 15-ruux oo Suriyiin ah oo ey ku jiraan dhallinyaro ka soo jeeda Suweyda xilli ey ka soo bexeen magaaladda Xumus kuna sii jeedeen dalka Lubnaan. Tuulada Balqasah ee ku taalo baadiyaha Galbeed ee Xumus ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadyo rabshada wata oo u dhexeeyo ciidamada Waaxda Hawlgaladda Mileteri iyo kooxaha Nidaamka Bashaar AL-Asad ee uu hogaaminaayey Shujaac AL-Cali ka hor inta uusan geeriyoon,waxaane xusid mudan in Shujaac AL-Cali uu hogaaminaayey koox gacan saar la leh Hayadaha Amaanka ee taliskii hore ee Suriya,halka warar kale ey tilmaamayaan in Shujaac AL-Cali uu ahaa hogaamiyaha kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Ururka Xizbullahi ey taageerto dawaladda Iraan hadane laga soo sifeeyey dalka Lubnaan.
ISHA-AA.