HOGAAMIYEYASHA AFEGEMBIGA SUUDAAN OO..
(KHARTUUM):Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo Arbaca ah(3/11/2021)-ka ku soo biiray wadamadda ku baaqay in si deg deg ah loo soo celiyo dawladdi rayidka ahayd eey ciidamaddu afgembiyeen ee dalka Suudaan,wadamadda horey ugu la soo celiyo dawladdii uu hogaaminaayey Raysal Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa kala haay Maraykanka iyo Ingiriiska.Waxaa jiro qoraal eey si wadajir ah u soo saareen afarta dawladood(Maraykanka,Ingiriiska,Sacuudiga iyo Imaaraatka) kaaso loogu baaqaayo hogaamiyeyaasha ciidamadda Suudaan ee Afgembiyey dawladdii Rayidka ahayd ineey sii daayan dadka u xiran eey ka mid yihiin golihii wasiiradda ee Raysal Wasaare Hamduuk isla markaasne dalka laga qaado xaaladda deg dega ah,qoraalka ayaa si toos waxa uu cadaadis u saaraa hogamiyeyasha Afgembiga ka dhacay dalka Suudaan ee kala ah Gen.C/fataax Burhan iyo Gen.Maxamed Hamdan Dagalo waxaane laga cosdsaday ineey sameeyaan tanaasul,labadaan Generaal(Burhan iyo Dagalo) ayaa ah kuwa xulafo la ah wadamadda Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.ISHA WARKA AP.