HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA OO KA HADLAY DAGAALKA.
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in C/Malik AL-Xuuti oo ah Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yeman uu maanta oo Khamiis ah sheegay in 30-qofood ey dhinteen eyna ku dhaawacmeen 424-qofood oo kale weerarada dhinaca cirka ah iyo duqeymaha kale ey si wadajirka ah u fuliyeen Maraykanka iyo Ingiriiska seddex bilood gudahood. Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman ayaan sheegin in dadka la dilay iney maleeshiyaad hubaysan yihiin iyo iney yihiin dad rayid ah ama in dadka dhintay iyo kuwaa dhaawacmay ey ku jiraan dad rayid ah. Dhinaca kale,C/Malik AL-Xuuti waxa uu tilmaamay in kooxda Xuutiyiinta ey beegsatay 90-Markab intiii lagu guda jiray hawlgalo uu ku tilmaamay iney ku taageerayaan Marinka Gaza kuwaaso uu ula jeedo dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil kaaso soo bilawday 7/10/23-kii. Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman C/Malik AL-Xuuti ayaa intaas ku daray in 34-weerar lagu qaaday muddo hal bil ah loona adeegsaday 125-Gentaal oo Balaastik ah iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano DRONES-ka. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa weeraray dhawr Markab oo maraayey biyaha Badda Cas,waxa eyna Xuutiyiintu sheegeen in weeraradoo iney jawaab u yihiin dagaalka ey Isra’iil ku hayso Marinka Gaza. Weerarada Xuutiyiinta ayaa hakad geliyey isu socodka Maraakiibta caalamiga ah ee marta biyaha Badda Cas taaso sababtay in shirkadaha iska leh Maraakiibta Ganacsiga iney safaro dhaadheer oo qaali ah ku maraan cirifka koonfureed ee Qaaradda Afrika. Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si toos u weeraraayey goobaha ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman iyagoo ujeedkoodu yahay in la carqaladeeyo lana wiiqo awooda kooxda Xuutiyiinta oo ah mid halis gelinaysa xuriyadd socdaalka iyo khatarta Ganacsiga caalamiga ah.
ISHA/ARAB.