HANTIDA UU HAYSTO QOYSKA BASHAAR ASAD OO LA OGAADAY.
(WASHINGTON)-Madaxweynaha Suuriya Bashaar Asad iyo qoyskiisa ayaa la sheegay ineey heystaan lacag dhan $ 1-2-bilyan oo doolarka Maraykanka ah waxaa sidaas sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka.Warbixinta eey soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka eyna la wadaagtay koongareeska dalkaasi ayaa ah mid uun ku kooban qiyaasta uu haysto qoyska Bashaar Asad.Lacagta uu haysto qoyska Asad ayaa la sheegay ineey ka soo gashay suuqa madaw,ka ganacsiga hubka iyo daeroogada iyo waxyaabo kale.
XIGASHO ANADOLU