HANJABAADA ISRA’IIL WAX MAKA BEDELI DOONTAA ARRINTA BADDA CAS?
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB.
(TEL AVIV)Wararka ka imaanayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Isra’iil oo kaashanayso dalka Maraykanka ey Qorsheyneyso in la weeraro kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman,Isra’iil ayaa waxa ey ka caraysan tahay amarka Xuutiyiinta ey ku soo rogeen Maraakiibta marta Badda Cas gaar ahaan Marinka Baab AL-Mandab ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta Yeman. Galaxy Leader waa markab laga leeyahay dalka Japan hadane gacanta ugu jiro kooxda Xuutiyiin Yeman. Markabkaan ayaa waxaa iska leh milkiyadiisa nin reer Isra’iil ah degane dalka Ingiriiska,hadab maxaa keenay warkaan cusub? Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqay maanta oo Axad ah(10/12/23)-ka iney ka shaqeyn doonaan sidii ey uga hortegi lahaayeen in Markab kasta ha ahaado Isra’iil ama midaan Isra’iil ahayn oo u soo gudba Badda Cas kuna wajahan Isra’iil,waase haddii aaney ogoleyn in gargaar bani’adanimo lagu wareejiyo Marinka Gaza,arrintaan ayaa ah mid dhibaato ku ah Maraykanka iyo Isra’iil,waxayne Xuutiyiintu sheegeen iney go’doomin doonaan dawladda Yahuuda ee ganacsiga la leh caalamka intiisa kale. Isra’iil ayaa ku hanjabtay iney jawaab Militeri ka bixin doonto falka Xuutiyiinta ka wadaan Badda Cas ayadoo halkaasi ka maqan tahay jawaabti Maraykanka,laakinse arrinkaan ayaa u muuqdo in Maraykanku duqeymo u gaysan doono Xuutiyiinta Yeman halkii uu ka qeyb qaadan lahaay dagaalka ka socdo Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.