HAKAN FIDAN OO BAAQ U DIRAY WADAMADDA…
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA TURKIGA OO TAAGAN RAFAX.
(CAIRO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la kodhiyo cadaadiska lagu haayo Israa’iil si loo joojiyo Xasuuqa ey ka wado Marinka Gaza. Tani waxay ku soo beegantay war saxaafadeed uu soo saaray Axadda maanta ah(4/8/24)-ka ka dib booqasho kormeer ah oo uu ku tegay Dekedda AL Cariish ee dalka Masar iyo albaabka Xadka isgoyska Rafax ee Marinka Gaza,isagoo fariin u diray wadamadda reer Galbeedka oo ku saabsan Xasuuqa Marinka Gaza,Wasiirka ayaa yiri”Haddii eynaan si wadajir ah u joojin Xasuuqan,dhammaan bani’adamku waxa ey noqon doonaan kuwa shuraako kula ah Israa’iil. Wasiir Hakan Fidan ayaa intaas ku daray”Iridda xadka Rafax hadda waa uu xiran yahay oo ey maraan dad iyo gaadiid fara badan balse hadda waa uu xiran yahay,sida aad la socotaan waxaa gebi ahaanba burburay dhinaca kale ee xuduuda sida ey sheegayaan wararka halkaas inaga soo garaayo,baabuur xamuul ah ayaan hadda ka dhoofin waxa eyna ku sii jeedaan alabaabka Kareem Abu Saalim(shalom)”.
ISHA/AP.