SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXKAMADA QAADA DEMBIYADDA OO XUKUN..

Maxkamadda qaada demiyadda caalamka ka dhaca ayaa maanta oo jimca ah 11/12/2020-ka waxa eey soo saaratay shanxukun daa’in ah xukumadaas ayaa lagu xukumay rag ka tirsan ururo ka jiro dalkaas Libnan sida Xisbulaahi iyo Mustaqbal sababta loo xukumay ragaan ayaa ah dilkii magaaladda Beyruut loo gaystay reysal wasaarihii hore ee dalkaas Libnaan Rafiiq Al-Xariiri,Saliim Cayaash ayaa kana tirsan ururka Xisbulaahi ee Libnaan ayaa loo haystaa inuu yahay ninkii ka dambeeyey dilkii loo gaystay R/W-rihii ee libnaan Rafiiq Al-Xariir bishii Febraay-2005-tii,mana jiro wax war ah eey soo saareen ururadda eey ka tirsan yihiin ragaan gaystay dilka Al-Xaririiri ee kala ah Xisbulaahi iyo Almutaqbal.

Bishii agoosto ee sannadkaan 2020-ka maxkamadda ayaa sheegtay in Saliim Cayaash yahay ninka lagu tuhmaayo inuu isaga yahay ninka soo dabiray qorshaha lagu khaarijiyey RW-Xariiri,Saleem ayaa horay uga tirsanaay ururka Xisbulaahi ee dalka libnaan,raga la tuhmaayo iney ka dambeeyeen dilka RW-Alxariiri ayaa kala ah Saleem Cayaash,Xasan Murci iyo Mustafa Badridiin,ragaan ayaa isticmaalaayey shabakad isgaarsiineed oo isku xireeysay si eey u fuliyaan dilka Xariiri oo loo adeegsaday baabuur xamuulka qaada oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo miisankooda lagu qiyaasay 2.5-tan,Saleem Cayaash iyo Mustafa ayey shaqadoodu ahayd la socodka dhaqdhaqaaqa Rw-Xariiri.XIGASHO ARAB21.

HALKAAN KA AKHRISO.